10/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 17, 2024
Weerar qarax ku bilaawday oo ka dhacay duuleedka degmada Xudur
 

Khamiis, October, 17, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay dhacay duuleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool, kaasoo dhexmaray ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa Ururka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ciidamada xoogga dalka ku leeyihiin deegaanka Lukugooraw oo qiyaas ahaan 20 KM u jirta degmada xudur.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa mid ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha oo lagu beegsaday Saldhiga deegaanka Lukugooraw, waxaana xigay dagaal toos ah oo qaatay mudo ku dhaw hal saac oo xiriir ah.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka ay ka hortageen weerarkaas kuna burburiyeen gaari qarax ah oo ay wateen kooxda, islamarkaana ay hada ku sugan yihiin ciidanka goobihii lagu dagaalamay.

"Ciidanka oo helay xogta cadawga argagexisada ah ayaa deegaanka Lukugooraw oo qiyaastii 20km u jira degmada xudur ku bur buriyay maleeshiyadkii damacsanaa ineey weerarka fulaynimada ah shacabka magaalada u soo maleegaan iyo gaari qaraxa oo ay wateen" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Al-shabaab iyo ciidanka xoogga dalka ku dhexmaray deegaanka Lukugooraw, waxaase dadka deegaankaas ay sheegeen inuu jiro khasaare kala gaaray labada dhinac.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaankaas ayaa sheegaya in hada xaaladu ay tahay mid degan, islamarkaana ciidamadu ay ka wadaan deegaanka iyo nawaaxigiisa hawlgalo ay ku xaqiijinayaan amniga.