10/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 17, 2024
Wasiir Ku Xigeeno Iska Casilay Xukuumada Somaliland isla markaana taageeray Musharax Cirro
 

Khamiis, October, 17, 2024 (HOL) - Wasiir Ku Xigeenadii Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Waxbarashada ee Somaliland, ayaa iska casilay xilalkii ay ka hayeen xukuumada xisbiga Kulmiye, isla markaana taageero u muujiyay Musharax Cirro.

Wasiir Ku Xigeenka Kalluumaysiga ee is casilay Naasir Caydiid Maxamed, ayaa sheegay in wali aanu ka bixin xisbiga Kulmiye oo uu dhisayo xisbi ahaan, lakiin doorashada madaxtooyada uu dhisayo Musharax Cirro.

"2017 waxan u codeeyay Muuse Biixi isna wuxuu iga dhigay wasiir ku xigeen aad ayuu u mahadsanyahay, xiligaa waxan u arkayay in hoggaaminta waddanku ay isaga ku fiicantahay, imikana Cirro ayaan dhisayaa, xisbi ahaan lakiin waxan dhisayaa Kulmiye" ayuu yidhi Caydiid.

Wasiir Ku Xigeenkii Waxbarashada Maxamuud Cilmi Yuusuf, ayaa isaguna sheegay in uu xilka iska casilay, kadib markii uu la tashaday dadka deegaankiisa, oo uga warbixiyay baahida loo qabo isbadal, iyo xaalada Somaliland ee hada.

Saraakiil tiro badan oo hore uga tirsanaa bahwaynta xisbiga Kulmiye, ayaa dhawaan ka dareeray xisbiga kuna biiray xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, xili ay soo xoogaysanayso awooda mucaaradka Somaliland ka hor doorashada 13 November.