10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 14, 2024
Dagaal khasaare kala duwan geystay oo maanta ka dhacay gobolka Mudug
 

Isniin, October, 14, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiyay ilaa 4 ruux ayaa ku geeriyootay 11 kalena way ku dhaawacmen dagaal beeleedka maanta ka dhacay tuulooyin hoostaga deegaanka Docoleey ee gobolka Mudug.

Dagaalka oo ahaa mid aad u xoogana ayaa u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo.

Dagaal beeleedkaan khasaraaha badan geystay ayaa la sheegay inuu ka bilaawday muran la xariira la haanshiyaha dhul daaqsimeed halkaasi ku yaala.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Galmudug oo ku aadan dagaal beeleedkaan maanta dhacay ee sababay khasaraaha isugu jira dhimashada iyo dhaawaca.

Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee maamulka Galmudug waxaa inta badan ka dhaca dagaal beeleedyada dhexmara qaar ka mid ah beelaha kala duwan ee halkaasi wada daga, kuwaas oo intooda badan isku qabsada murun la xariira la haanshiyo dhuleed.