10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2024
Raysal Wasaare ku xigeenka dalka oo ka horyimid xil ka xayuubintii lagu sameeyay
 

Axad, October, 13, 2024 (HOL) - Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa si adag uga horyimid talaabadii uu Shalay guddoomiyaha Aqalka sare uga xayuubiyay xubinimadii kursiga Golaha Aqalka sare.

Saalax Axmed Jaamac ayaa talaabada xil ka xayuubintiisa ee uu qaaday guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ku tilmaamay mid sharci darro ah oo baal marsan dastuurka dalka.

“Waxaan caddeynayaa in warqadda uu soo saaray guddoomiye Cabdi Xaashi inaanay lahayn wax saldhig sharci ah oo ay tahay waxba kama jiraan” ayuu yiri Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac.

Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale iska biri yeelay inuu ka maqnaa dhamaan kulamada Golaha Aqalka sare, wuxuuna sheegay inuu ka qeybgalay Kulamo Golaha Aqalka Sare ah iyo Kulamo Wadajir ah oo ay wada yeesheen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee xilka xayuubinta Salaax Axmed Jaamac ayaa Golaha Aqalka sare ka dhex dhalisay dood xoogan oo hareysay, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in kursigiisa loo wado in loo magacaabo Ibraahim Iidle Suleymaan oo horay u soo noqday guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka.

Hoos ka akhriso Warsafaxafadeedka uu soo saaray Raysal Wasaare ku xigeenka dalka:-