10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 11, 2024
Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne
 

Jimco, October, 11, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo aroornimadii hore ee saakay ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne, gaar ahaan xarumaha maamulka iyo xerada Lamagalaay.

Dagaalka oo ahaa mid dhexmaray ciidamo kala taabacsan maamulada Hirshabeelle iyo Hiiraan State ayaa yimid kadib markii ciidamada taabacsan Hirshabeelle ay weerar ku qaadeen ciidanka Hiiraan State ee gacanta ku haya xarumaha maamulka gobolka Hiiraan.

Inta la xaqiiqiyay hal askari iyo hal qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaalka saakay ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Maamulka Hiiraan State ayaa guulo ka sheegtay weerarka ay aroornimadii hore ee saakay ku soo qaadeen ciidamada taabacsan Hirshabeelle oo u jeedka weerarkooda lagu sheegay iney doonayeen carqaladeynta Xaflad loogu dabaaal dagayo sanad guuraada Hiiraan State oo ku beegan maalinta berito ah oo siweyn looga dhex dareemayo magaalada Baledweyne.

Odayaal iyo waxgarad ku baxay dagaalka saakay dhacay ayaa ku guuleystay iney kala qaadaan labada ciidan ee dagaalamayay, waxaana haatan xaaladu tahay mid degan, inkastoo marwalba la filan karo in markale dagaalamaan labada dhinac maadama goobaha ay kala joogaan aysan kala fogeyn.