10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2024
Ciidanka dowladda oo howlgalo qorsheysan ka sameeyay gobolada Baay iyo Bakool
 

Khamiis, October, 10, 2024 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 47-aad ee guutada 8-aad ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ka kala tirsan gobolada Baay iyo Bakool.

Howlgalada ayaa ka dhacay deegaanada kala ah Ceelshariif, Mooro-Busle, iyo Ceel-Mareere oo dhamaatood ku yaala inta u dhexeysa degmada Bardaale iyo deegaanka Goofguduud Buurey ee maamulka Koonfur Galbeed.

Taliyaha Ururka 47-aad ee guutada 8-aad laba xidigle Axmed Maxamed Nuur ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalada ay qayb ka yihiin dadaalada lagu xoojinayo amniga iyo xasiloonida deegaanada Koonfur Galbeed.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada khasaare ay ku gaarsiiyeen kooxda Al-shabaab, walow uusan carabaabin nooca uu yahay khasaaraha ay gaarsiyeen kooxda, wuxuuna tilmaamay in ciidamada xoogga dalka ay sii wadayaan howlgaladaan ka dhanka ah Al-shabaab.

Howlgaladaan ciidanka xoogga ka fuliyeen deegaanada ka tirsan Baay iyo Bakool ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalin ka hor howlgalo ka dhacay deegaano ka kala tirsan Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe lagu dilay 59 xubnood oo ka tirsan Shabaab, kuwaas oo isugu jiray horjoogayaal iyo Maleeshiyaad.