Jimco, November, 8, 2024 (HOL) - Hay’adda NISA ayaa sheegtay in howlgal qorshaysan oo ay ciidamadeedu ka fuliyeen deegaanka Yaaqle ee gobolka Sh/dhexe lagu dilay 19 xubnood oo ka tirsan Alshabaab, iyadoo tiro kalena lagu dhaawacay.
Howlgalka ayaa daba socday dadaallo badan oo dhanka sirdoonka ah, iyadoo NISA ay sheegtay in ay la socotay dhaq dhaqaaqa kooxda Alshabaab.
“Waxaa la ogaaday goob qarsoodi ah oo ay ku uruursanayeen maleeshiyaadka. Intii uu howlgalka socday ayaa waxaa goobta ka ka kacay dab xooggan oo la sheegay in ay ku jireen walxaha qarxa iyo hub kale oo burburay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay NISA.
NISA ayaa sheegtay inay ka go’an tahay ciribtirka Shabaab meel kasta oo ay ka howlgalaan, si loo ilaaliyo shacabka loona sugo amniga dalka.
Alshabaab ayaa ku sugan degaanada laga fuliyay howlgalkan. Dowladda Soomaaliya weli kuma guulaysan inay Shabaab ka saarto Shabeellada Dhexe, Hiiraan iyo Galmudug, halkaas oo muddo ku dhawaad 3 sano ah uu ka socdo howlgallo.