12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2024
Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay xaalada Amniga gobolka iyo howlgal cusub ee badalaya ATMIS
 

Khamiis, November, 7, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas İbrahim Sheekh Muxudiin ayaa kulamo kula qaatay dalka Jabuuti madax ka tirsan dowladda Jabuuti.

Masuuliyiinta ka socotay dowladda Soomaaliya ayaa kulamo miro dhal ah la qaatay raysal wasaaraha dalka Jabuuti, Wasiirka Difaaca dalka Jabuuti iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Jabuuti.

Kulanka dhexmaray labada dhinac Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga gobolka iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee bilaabanaya sanadka 2025-ka.

“Waxaa si guul ah noogu soo gabagaboobey booqasho rasmi ah oo aan  ku joogney dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, waxaan ka wada hadalney amniga gobolka iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee bilaabanaya 2025. Safarka waxaa igu weheliya Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas İbrahim Sheekh Muxudiin iyo wafdi kale” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Kulankaan ayaa imaanaya, iyadoo ciidamada dalka Jabbuuti ay qeyb ka yihiin howlgalka sii dhamaanaya ee ATMIS, islamarkaana ay ka mid noqon doonaan howlgalka cusub ee loogu magac daray AUSSOM oo la filayo inuu billaawdo sanadka soo socda ee 2025.

Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii madaxweynaha Soomaaliya uu safaro kusoo maray dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, marka laga reebo dalka Itoobiya oo Soomaaliya xiisad adag kala dhaxeyso.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan si cad u sheegtay in Itoobiya howlgalka cusub ka mid noqon doonin ilaa inta ay ka laabaneyso heshiiskii ay la gashay Somaliland ee ahaa iney hesho qeyb ka mid ah biyaha iyo dhulka Soomaaliya.