12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 4 , 2024
Raysal wasaare Xamse oo magacaabay laba wasiir oo cusub
 

Isniin, November, 4, 2024 (HOL) - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay boosaska laba wasiir oo Axadii iska casishay Xilalkoodi kuwaasi oo kala ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheeynta iyo Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u magacaabay Axmednur Shiikh Maxamed Loxos, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha waxaana uu badelayaa wasiir Dowlihii shaqadaan iska casilay Cabdirashiid Jire Qalinle.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa u magacaabay Cabdirashiid Maxamed Ducaale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Dhammaan arimahaani oo dhami waxa ay kusoo beegmayaan xilli uu Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Madoobe uu shir wadatashi iskugu yeeray Xildhibaanada Jubaland ku matalaya labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaanan la ogeyn halka uu ku dambeeyn doono khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Jubaland waxaana falanqeeyaasha siyaasadda gudaha ay ka digayaan in arintaan ay dib udhac kale oo siyaasadda Soomaaliya inay ku keeni doonto gaar ahaan waqtigaan oo ay daneeyeyaasha Soomaaliya ay u hanqal weynyihiin sidii maalgashi ay ugu sameysan lahaayeen dalka.