12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 3 , 2024
Golaha Nabadda Midowga Afrika oo ku booriyay dowladaha Afrika inay ciidamo ugu tabarucaan Soomaaliya
 

Axad, November, 3, 2024 (HOL) - Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (AUPSC) ayaa kasoo saaray war-murtiyeed ku saabsan  muhiimadda ay leedahay madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Guddiga Nabadda Midowga Afrika ayaa ku booriyay dawladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika in ay ciidamo ku biiriyaan howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya ee AUSSOM.

Waxay sidoo kale ku baaqeen in la xoojiyo dadaallada dhex dhexaadinta ee Midowga Afrika uu hoggaaminayo si loo xalliyo xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo xoogga saaraysa xal nabadeed oo salka ku haya ixtiraamka madaxbannaanida labada dhinac.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Danjire Maxamed Gad ayaa dhinaca kale lagu qiimeeyay bixitaanka howlgalka ATMIS-ta kadib, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo ilaalin lahaa jiritaanka hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya.

PSC ayaa muujisay baahida degdegga ah ee loo qabo sii wadida taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya. Waxay ku baaqeen in la dardargeliyo tayeynta ciidamada ammaanka Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay inay lama huraan tahay in la helo hannaan amni oo qaran oo adag oo isku filan.