12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 21, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo markale sheegay iney ka go'an tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah
 

Khamiis, October, 21, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ku celiyay in dowladiisa ay ka go'an tajay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya.

Hadalkaan ayuu madaxweynaha ka sheegay khudbad uu ka jeediyay munaasabada Boqorka dalka Ingiriiska Charles III oo ka dhacday Safaaradda UK ku leedahay magaalada Muqdisho oo uu ka qeyb galay, taasoo ay goobjoog ahaayeen xubno ka tirsan Saaxiibadda Caalamka ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in muhiim tahay in fursad la siiyo shacabka Soomaaliyeed si ay u doortaan madaxda hoggaaminaysa, taasina ay ku imaan karto hirgalinta doorashooyin dimuquraaddi ah iyo in dib awoodda loogu celiyo dadweynaha.

“Doorashadu waa tiirka ugu muhiimsan dimuqraadiyad ku saleysan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, dowladdu waxay ka shaqeynaysaa in shacabka Soomaaliyeed ay si buuxda uga qeyb qaataan hagidda mustaqbalkooda iyo in ay helaan xaqa Dastuuriga ah ee doorashada cidda hoggaaminaysa masiirkooda” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka dalbaday Saaxiibada caalamka in dowladda Soomaaliya ay ku garab istaagaan howlaha muhiimka u ah Dimuqraadiyadda, si dalka u noqdo mid amaan ah.

Ugu dambeyntii qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh uu ku doonayo in dowladiisa dalka uga hirgelinsso doorasho qof iyo cod ah ayaa waxaa horay si weyn uga soo horjeestay madaxda maamul goboleedyada kala ah Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.