11/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 20, 2024
Beesha caalamka oo ugu baaqday madaxweynaha Jubbaland inuu dib ugu soo laabto Golaha Wadatashiga Qaran
 

Arbaco, October, 20, 2024 (HOL) - Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya taageera ayaa walaac xooggan ka muujiyay khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Goboleedka Jubaland.

Bayaan kasoo baxay dalalka iyo hay’adaha taageera Soomaaliya, waxaa lagu boorriyay dhammaan saamilayda siyaasadeed inay ka qaybqaataan dooddo wax-ku-ool ah oo loo dhan yahay, si loo xalliyo khilaafaadka ku aaddan hannaanka doorashooyinka.

Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa si gaar ah loogu baaqay inay dib ugu soo laabato Golaha Wadatashiga Qaran si loo adkeeyo wadashaqeynta Dowlad Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

“Saaxiibada caalamku waxay ku adkeeyeen dhammaan dhinacyada in laga fogaado falalka xiisad-abuurka ah, iyadoo lagu baaqay in la bilaabo wadahadal furan oo ku saabsan dhammaan arrimaha taagan, ka hor inta aan la dhameystirin geeddi-socodka doorashada.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka.

Saaxiibada Caalamka ayaa ku celceliyay in ay Soomaaliya ka taageerayaan dowlad-dhisidda, oo ay ku jirto higsiga ah in la gaaro doorasho qof-iyo-cod ah. Waxay carrabka ku adkeeyeen in loo baahan yahay taageero dadweyne iyo mid siyaasadeed si loo helo doorashooyin hufan oo loo dhan yahay.