12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2024
Garowe: Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay rasaas lagu furay dad dabaal deg sameynayay
 

Talaado, October, 19, 2024 (HOL) - Ugu yaraan hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday 3 kalena way ku dhaawacmeen, kaddib markii qof hubaysan uu rasaas ku furay dad rayid ah oo xalay ku dabaal dagayay magaalada Garowe.

Qofka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay oo dhammaantood ahaa dumar kasoo jeeda beesha Jareerweyne, da’dooduna u dhaxaysay 15 illaa 16 jir, ayaa qeyb ka ahaa koox dhalinyaro ah oo la socday Mooto Bajaaj, kuwaas oo u dabaal dayay  waxay ugu yeereen maalinta calanka beesha Jareerweyne.

Lama oga sababta qofka hubaysan uu rasaasta ugu furay. Wararka aan helayno waxay sheegayaan in qofka rasaaska ku furay uu ahaa ilaalada mid kamid ah hoteelada kuyaala magaalada Garowe.

Wararku waxay sheegayaan in laamaha amnigu ay soo xireen eedeysanaha geystay dilka iyo dhaawaca.  

Odayaasha beesha Jareer ee ku sugan magaalada Garowe oo la kulmay laamaha amniga ayaa ka dalbaday caddaalad, iyo in sharciga la horkeeno dambiilaha geystay falkaan.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii sidaan oo kale magaalada Muqdisho rasaas loogu furay dhalinyaro u dabaal dagaysay maalinta calanka maamulka Koonfur Galbeed. Waxaa ka dhashay khasaare dhaawacyo ah.

Sanadihii ugu dambeysay u dabaal degidda calamo qabaa’ilada iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa aad ugusoo badanayay gudaha Soomaaliya.

Dhaqankaan ayaa la aaminsan yahay inuu kasoo bilowday baraha bulshada gaar ahaan Tiktok, halkaas oo inta badan dhalinyarada u adeegsadaan xifaaltanka qabyaalada ku saleysan.