Isniin, October, 18, 2024 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu sheegay in ciidankeeda ay gacanta kusoo dhigeen Sarkaal kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa hubinta iyo sameynta baaburta ay u adeegsadaan qaraxyada.
newsinsideSarkaalkaan oo magaciisa lagu sheegay Cabdinaasir Maxamed Xasan oo loo garasho ogyahay Xaaji ayaa la tilmaamay inuu horay u soo cilad bixiyay ilaa sagaal gaari oo qaraxyo u adeegsadeen kooxda, islamarkaana sababay khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.
Gaadiidka uu cilad bixiyay ninkaan NISA ee gacanta kusoo dhigtay waxaa la sheegay inuu ka mid ahaa gaari noociisu yahay Harrier oo loo adeegsaday qaraxii ka dhacay Hotel SYL, waxayna NISA sheegtay inuu deegaanka Ceelasha Biyaha uga soo dhiibay gaarigaas Cabdinaasir Daahir Nuur Jimcaale oo loo yaqaano guri ma Leedahay, kaasoo hadda ah xukunsane sida ay sheegtay NISA.
Ugu dambeyntii NISA ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay gacanta ku soo dhigtay saraakiil iyo xubno kale oo shaqooyin kala duwan u qaabilsana kooxda Al-shabaab.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka NISA oo dhameystiran:-