Axad, October, 17, 2024 (HOL) - Ugu yaraan 11 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen, halka tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay deegaanka Labi Caano, oo bariga uga beegan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Wararka ka imaanaya deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo isku haysta dhul deeqsimeed, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ayaa ah dhinacyada dagaaalamaya, sidoo kalena waxaa jira khasaare soo gaaray dadka shacabka ah.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu saameyn ku yeeshay nolosha dadka deegaanka, iyada oo ay jiraan qoysas badan oo ku barakacay colaadda jirta awgeed.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug oo ku aaddan colaaddan. Dadka deegaanka ayaa ku baaqaya in la soo dhexgalo dhinacyada dagaalamaya si loo joojiyo dhiigga ku daadaanaya colaadda.
Bilowgii bishaan ayay ahayd markii ugu yaraan labo qof oo xoolo dhaqato ah aanooyin qabiil loogu dilay deegaankan, taasoo loo maleynayo inay xiriir laleedahay dagaalka maanta ka dhacay halkaas.
Wixii warar ah ee ku soo kordha kula soco wararkeena xiga.