Jimco, October, 15, 2024 (HOL) - Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye gaas Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay qeybaha kala duwan ee taliyaasha ciidanka Booliiska magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlaayay xoojinta amniga iyo ilaalinta xuquuqda Muwaadiniinta, waxaana ka qeyb galay Taliyaha qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir Macalin Mahdi, taliyaaasha Saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir iyo saraakiil kale.
Taliyaasha Saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir ayaa kulanka looga dhageystay warbixino la xiriira amniga guud ee Caasimadda.
Taliyaha Booliiska Soomaaliya Sareeye gaas Asad Cismaan ayaa faray taliyaasha iyo saraakiisha kale ee ciidanka Booliiska iney ilaaliyaan xuquuqda Muwaadiniinta iyo maxaabiista, islamarkaana ay ka fogaadaan wax walba oo xadgudub kalu ah ah shacabka Soomaaliyeed.
"Taliye Asad ayaa saraakishan ku adkeeyay in ay si wanaagsan ula dhaqmaan maxaabiista, iyagoo ilaalinaya xuquuqda muwaadinimo, islamarkaana aysan ku xadgudbin, in ay ka duwanaadaan ciidammada kale, iyagoo xoogga saaraya habdhaqan wanaagsan oo bulshada lagu kasban karo, iyo sugidda amniga maadaama ay yihiin saaxiibka bulshada" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya.
Shirkaan looga arinsanaayay amniga guud ee magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay amniga guud ee Muqdisho uu ahaa mid wanaagsanaa.