7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 31, 2024
Shirweynaha Caafimaadka Aduunka oo lagu ansixiyay Hindise dowladda Soomaaliya kasoo shaqeysay
 

Jimco, May, 31, 2024 (HOL) - Qaraar ay kasoo shaqeysay dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ay iskaashi kala sameysay in ka badan 20 dowladood ayaa lagu ansixiyay shirweynaha Caafimaadka Aduunka oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Swistzerland.

Hindisahaan lagu ansixiyay shirweynaha Caafimaadla Aduunka ayaa ku baaqaya in wadamada caalamka iney si weyn u dhimaan dhimashada hooyada iyo dhallaanka.

Waxaa la sheegay in guud ahaan Caalamka sanad walba ay ku dhintaan haween gaaraya 287,000 xiliyada ay Uurka leeyihiin iyo dhalmada, waxaana sidoo kale la xaqiijiyay in sanad walba ay dhintaan 4 Milyan yo 900 oo kun oo ah dhalaan da'doodu ka yartahay 5 sano.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay meelaha ugu badan oo sanad walba ay ku dhintaan hooyada iyo dhalaanka, islamarkaana haatan ay qorsheynayaan sidii loo yareyn lahaa waxyaabaha sababa.

"Soomaaliya ayaa kunkii canug ee da’doodu ka yartahay 5 sano waxaa sannakdii dhinta 106 caruur ah, halka dhimashada hooyada Soomaaliya ay tahay boqolkii kun hooyooyinka xiliyada uurka iyo dhalmada, waxaana gudaha Soomaaliya sanadkiiba ku dhintaan 621 hooyooyin Soomaaliyeed ah" ayuu yiri Wasiirka Cali Xaaji Xasan.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in qaraarkan ay Soomaaliya rajo weyn ka qabto inuu hoos u dhigi doono tirada dhimashada hooyada iyo dhallaanka.