7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 31, 2024
Wasiir Fartaag “ATMIS hadii ay dalka ka baxdo ciidamadii badali lahaa waa diyaar sanyihin"
 

Jimco, May, 31, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya  Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay iney diyaariyeen ciidankii badali lahaa kuwa ATMIS ee la filayo in dhamaadka sanadkaan dalka isaga baxaan.

Wasiir Fartaag ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay haatan ku filan yihiin la wareegida amniga guud ee dalka, islamarkaana aysan jirin wax shaki ah oo arintaasi laga qabo.

“ATMIS hadii ay dalka ka baxdo Ciidamadii badali lahaa waa diyaar sanyihin, wax walaac ahna majiraan amnigeena inaan la wareegno waa u diyaarsanahay, ciidamada kala duwan ee qaranka iyo geesiyaasha macawiisleeyda ayaa u diyaar ah iney iska kaashadaan guud ahaan amniga dalka marka ay baxaan ATMIS” ayuu yiri Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirka amniga in ciidanka ATMIS ay horay uga baxeen meelo ka mid ah gobolada Hiiraan, Shabeellaha dhexe, Shabeellaha Hoose, Baay, Bakool iyo Jubbaland, islamarkaana amiga meelahaas ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.

"ATMIS meelaha ay gacanta ku hayeen waxaa ka mid ahaa amniga Madaxtooyada dalka oo ay isaga baxeen mudo dhowr iyo toban sano ah, waxaana amniga madaxda sare ee dalka iyo guud ahaan madaxtooyada gacanta ku haya ciidamada Qaranka, sidaas oo kale meel walba ay ka baxaan ciidankii la wareegi lahaa baa u diyaarinay" ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo bisha soo socota dhexdeeda la filayo in dalka isaga baxaan afar kun oo ka mid ah ciidanka ATMIS, islamarkaana dhamaanka sanadkaan qorshuhu yahay in ATMIS ay isaga baxdo guud ahaan dalka.