7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 31, 2024
Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka
 

Jimco, May, 31, 2024 (HOL) - Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed Xasan ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixyay howlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay gudaha dalka.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka todobaadkii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab iney ka fuliyeen deegaano ka kala tirsan gobolada Shabeelooyinka Hiiraan, Galgaduud, Baay iyo Bakool.

Wuxuu sidoo kale sheegay afhayeenka in ciidamada dowladda ay howlgaladaasi khasaare xoog leh ku gaarsiiyeen kooxda Al-shabaab, islamarkaana lagu burburiyay gabaadyo ay kooxdu kasoo abaabuli jirtay weerarada oo ay ku lahayeen goboladaas.

"Ciidanka Xoogga dalka ayaa cagta mariyay goob Maleshiyada Al-shabaab u aheyd goobo lagu aruuriyo askareynta Caruurta iyo dadka reer Miiga ah laguna qaado lacagaha baada ah" ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Abuukar Maxamed Xasan.

Ugu dambeynta Afhayeenka Wasaaradda ma sheegin tirada rasmiga ah ee kooxda Al-shabaab looga dilay howlgalada todobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha dalka, marka lasoo tago inuu sheegay in khasaare xoog leh la gaarsiiyay kooxda.