7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 30, 2024
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka qeyb galay Madasha iskaashiga Shiinaha iyo Carabta


Khamiis, May, 30, 2024 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta khudbad ka jeediyay  shirka 10-aad ee heer Wasiir ee Madasha Iskaashiga Carabta iyo Shiinaha, ayaa si qoto-dheer uga hadlay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Carabta.

Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku dhuftay in Soomaaliya ay tahay dalkii ugu horreeyay ee ku yaalla Bariga Afrika ee xiriir diblumaasiyadeed la yeesha Shiinaha, wuxuuna caddeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay sare u qaadida iskaashiga kala dhexeeya Shiinaha.

Waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashigan si loo gaaro faa’iidooyin dhaqaale oo guud, isagoo markaa muujiyay in Soomaaliya ay si dhab ah u taageereyso mabda’a Shiinaha hal ah iyo in Taiwan loo aqoonsado qeyb muhiim ah Shiinaha, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in la ixtiraamo madax bannaanida siyasadeed ee Shiinaha.

Wasiirka ayaa ku baaqay in la dhaqan geliyo qodobadii ka soo baxay shir madaxeedka Shiinaha iyo Carabta iyo bayaankii Riyadh, isagoo ku nuux-nuuxsaday inay awood u leeyihiin inay sare u qaadaan iskaashiga dhaqaalaha iyo maalgashiga. Waxa uu tilmaamay doorka muhiimka ah ee ay kooxaha dhaqaaluhu ka ciyaaraan caqabadaha caalamiga ah sida cunno yarida.

Si loo xoojiyo xiriirka Shiinaha iyo Carabta, Wasiir Fiqi waxa uu tilmaamay meelaha ugu muhiimsan ee diiradda la saarayo. Waxa uu iftiimiyay Hindisaha Belt and Road Initiative ee Shiinaha oo ah fursad isbedel leh, isaga oo ku baaqay in ay la jaanqaadaan istiraatiijiyada horumarinta Carabta si kor loogu qaado mashaariicda kaabayaasha, waddooyinka ganacsiga iyo isdhexgalka dhaqaalaha. Intaa waxaa dheer, wuxuu soo jeediyay hindiseyaal si la isku dhaafsado tacliinta, tignoolajiyada, dhaqanka iyo dalxiiska si loo xoojiyo xiriirkaas.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,  Axmed Macallin Fiqi  ayaa khudbadiisa ku cambaareeyay isku dayga ay Itoobiya ku doonayso inay ku farageliso arrimaha gudaha ee Soomaaliya,  isagoo tixraacaya heshiiskii Itoobiya ay la gashay Soomaaliland, wuxuuna heshiiskaa ku tilmaamay inay qayb ka tahay damaca ay Itoobiya ku doonayso inay ku gaadho deked ku taalla Somaliland, isagoo ku nuux-nuuxsaday in falalkan oo kale ay xad-gudub ku yihiin madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana khalkhal gelinayaan xasilloonida gobolka. Waxa uu ka digay in dhaq-dhaqaaqyadani ay khatar ku yihiin amniga Carabta, gobolka iyo caalamka.

Wasiir  Axmed Macallin Fiqi, waxaa kalo khudbadiisa ku caddeeyay inay Soomaaliya soo dhaweynayso shirkadaha Shiinaha iyo Carabta, si ay u maalgashadaan fursadaha rajada leh ee ka jira suuqa Soomaaliya ee dhinacyada Xoolaha, Beeraha, Kalluumeysiga iyo Tamarta la cusboonaysiin karo. Xoojinta nabadda, iyo guulihii u dambeeyay ee dalku gaaray ayuu sheegay inay Soomaaliya awood u siinayaan inay bixiyso, adeegyada lagama maarmaanka ah, isla markaana meesha ka saarto caqabadaha hortaagan horumarinta iyo barwaaqada.