7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 30, 2024
Midowga Afrika oo shaaciyay habraaca doorashada guddoomiyaha Midowga Afrika
 

Khamiis, May, 30, 2024 (HOL) - Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay hannaanka doorashada hoggaanka sare ee Midowga Afrika, iyadoo loogu baaqay musharraxiinta daneynaya inay soo gudbiyaan taariikh nololeedkooda oo ay weheliso bayaanno  muujinaya sida ay doonayaan inay horumariyaan ajendaha isbeddelka ee Midowga Afrika.

Doorashada ayaa dhici doonta bisha Febraayo 2025 inta lagu guda jiro shir madaxeedka Midowga Afrika.

Midowga Afrika ayaa sheegay in dhammaan 8-da jago ee hoggaanka sare ee Guddiga Midowga Afrika ay u furan yihiin  dhammaan musharraxiinta.

Dalalka kuyaala bariga Afrika oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay, ayaa soo gudbin doona rag iyo dumarba u taagan xilka Guddoomiyenimada Midowga Afrika.

Dalalka Waqooyiga Afrika ayaa soo gudbin doona rag iyo dumar isugu jira oo u taagan xilka guddoomiye ku xigeenka.

Halka dalalka Bartamaha, Koonfurta, iyo Galbeedka Afrika ay soo gudbinayaan ugu yaraan laba murashax oo qeyb ka ah lixda qaybood ee komishanka.

Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay u tartami doonta xilka guddoomiyaha Midowga Afria, waxaana xilkaas  u sharraxan wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowsiyo Xaaji Aadam.

Soomaaliya oo taageero fiican ka haysta ku dhawaad 30 dal Afrikaan ah oo katirsan ururka iskaashiga Islaam, ayaa rajo fiican ka qabta in ay ku guulaysato hoggaaminta Midowga Afrika.