7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 30, 2024
Xubno kasoo goostay kooxda Al-shabaab oo lagu soo bandhigay magaalada Baydhabo
 

Khamiis, May, 30, 2024 (HOL) - Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan magalaada Baydhabo ayaa soo bandhigay sadax xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo isku soo dhiibay.

Sadaxdaan xubnood ee lagu soo bandhigay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ibraahim Xuseen Maxamed, Nuur Maxamed Abuukar iyo Yare Cali Xuseen.

Ciidanka NISA oo gacanta ku haayo sadaxdaan nin ee kasoo goostay Al-shabaab waxay sheegeen in ragaan la marsiin doono habraaca loogu talo galay xubnaha kooxda ee isku soo dhiiba gacanta dowladda.

"Xubnahaan ayaa ku dhuumaaleysa jireen Gobollada Baay, Bakool, Shabeellada Hoose iyo Hiiraan, markii la wareystay waxay sheegeen inay u adkeysa waayeen dhibaatooyinka Khaawarijta ku wajaheysta duurka, waxayna saaxiibadood ugu baaqeen inay dowladda isku soo dhiibaan." ayaa lagu qoraal kasoo dowladda.

Deegaanada maamulka Koonfur ayaa ka mid ah meelaha wali ay ku xoogan yihiin kooxda Al-shabaab, waxaana sidoo kale xusid mudan in Koonfur Galbeed ay tahay halka ugu badan oo ay iska dhiibaan xubanaha kasoo goosta kooxda Al-shabaab.