7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 30, 2024
Taliska Booliiska Banaadir oo ka hadlay sababta loo xirxirayo dadka sameeya anshax xumada iyo kicinta dadweynaha
 

Khamiis, May, 30, 2024 (HOL) - Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa todobaadkii labaad oo xiriir ah howlgalo ka dhan ah dadka baraha bulshada ka dhex sameeya anshax xumada iyo kicinta dadweynaha ka wada gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska qeybta guud ee ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu faahfaahiyay sababta ciidanka Booliiska ay u soo xirxirayaan oo loola dagaalamayo dhalinyarada ku howlan anshax xumada iyo arrimaha qabiilka iney tahay qeyb ka mid ah dowladnimada.

”Sababta aan xooga u saareyno la dagalanka anshax-xumada ayaa ah inaan aamisanahay in asaluubta bulshada oo la dhiso ay tahay qeyb kamid ah dowladnimada” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Taliska qeybta guud Booliiska gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale warka kasoo baxay Taliska Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir loogu baaqay waalidiinta Soomaaliyeed iney isha ku hayaan caruurtooda si looga hortago waxyaabaha anshax xumada ah oo ay ku kacaan caruurtooda.

"Waalidiinta Soomaaliyeed iyagana masuuliyad weyn ayaa ka saaran ubadkooda, waana in ay la xisaabtamaan kalana shaqeeyaan Ciidanka Booliiska sidii loo suuli lahaa falalka nuucaas ah" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Taliska qeybta guud Booliiska gobolka Banaadir.

Warkan kasoo baxay Taliska Booliiska gobolka Banaadir ayaa kusoo beegmaya, iyadoo xabsiyada magaalada Muqdisho lagu xiray in ka badan 40 ruux oo isugu jira rag iyo dumar  ku kala eedeysan faafinta dhaqan xumo, qabyaalad, kicin dadweyne iyo kuwa aflagaado geestay.