7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 30, 2024
IMF oo meel marisay $10 milyan oo lagu taageerayo Soomaaliya
 

Khamiis, May, 30, 2024 (HOL) - Guddiga Sare ee IMF oo dhameystiray dib u eegistii ugu horeysay ee hoos timaada barnaamijka dayn cafinta  Soomaaliya, ayaa ogolaaday in si degdeg ah loo bixiyo ilaa 10 milyan oo doolar si ay ugu taageeraan siyaasadda dhaqaale ee Soomaaliya.

Taageeradan ayay IMF sheegtay in la marin doono miisaaniyadda dowladda Soomaaliya, taasoo ka dhigaysa wadarta guud ee taageerada maaliyadeed ee IMF ee Soomaaliya $50 milyan .

IMF ayaa dhinaca kale sheegtay in Kobaca dhaqaale ee Soomaaliya la filayo inuu kordho 3.7 boqolkiiba sanadkan 2024 marka la barbar dhigo 2.8  2023.

“Soomaaliya waxay sii waddaa inay horumariso ajandaheeda dib-u-habaynta, waxqabadka. Waa in la joogteeyo xoojinta dakhliga iyo maamulka maaliyadda dawladda, kor u qaadida qoto-dheeraanta maaliyadda, hagaajinta maamulka, iyo kor u qaadida tirakoobka,”ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda IMF.

IMF waxa ay sheegtay taageeradan inay waafaqsan tahay qorshaha horumarinta qaranka Soomaaliya iyo hiigsiga fog ee dowladda ee ku aaddan ilaalinta xasilloonida dhaqaalaha, xoojinta dakhliga iyo maamulka maaliyadda.

Bishii December ee sanadkii hore, Soomaaliya ayaa la kulantay guul weyn oo taariikhi ah, ka dib marki dalka laga cafiyay deymihii ugu badnaa ee lagu lahaa. IMF iyo World Bank waxay sheegeen in Soomaaliya ay haysato fursad wanaagsan oo ay ku heli karto deeqo caalami ah iyo maalgashi ballaaran.