Jimco, April, 3, 2024 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa goordhaw gacanta kusoo dhigay nin maanta ku dilay Xaaskiisii hore deegaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho.
Ninkaan ku eedeysan dilka Xaaskiisii hore ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Ismaaciil Maame, kaasoo Mindi ku dilay xaaskiisii hore oo lagu magacaabi jiray Xabiibo Xuseen Cabdullaahi, taasoo ninka dilay horay ugu soo dhashay sadax wiil, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka uu maanta u geystay ninkeedii hore.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ninka dilka geystay haatan lagu daweynayo Isbitaalka Madiina, kadib dhaawac uu qudhiisa isku geystay.
"Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa gacanka kudhigey maantey oo ay tahay 03-05-2024 abaaro 1410hrs ama 0214 pm eedeyasane gacan ku dhiigle MAXAMED ISMAACIIL MAAME INA FAADUMO SHEEKH AXMAD 44 jir ah ku dhashey degmada waaberi kaas oo dil bareer ah u geystey xaaskiisa hore MARXUUMAD XABIIBO XUSEEN CABDULAAHI INA MARYAN CALI BILAAL 34 jir ah taas oo hooyo u ah caruur tiradooda gaareysa 3 wiil oo uu dhalay gacan ku dhiiglaha" ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska gobolka Banaadir.
Warka kasoo baxay Booliiska Banaadir ayaa sidoo kale lagu sheegay in ninkaan dilay Xaaskiisii hore si deg deg ah loo hor keeni doono Cadaaladda, waxaana dilkaan uu qeyb ka noqonaya dilal aragagax leh oo magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo ka mid ah gobolada dalka kusoo badanaayay mudooyinkii dambe oo ka dhex dhacaayay dad isku qoys ah.