5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2024
Ciidamada dowladda oo Kooxda Al-shabaab oo ka saaray deegaano hoostaga degmada Mahadaay
 

Jimco, April, 3, 2024 (HOL) - Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Deegaanada howlgalka looga saaray kooxda Al-shabaab waxaa ka mid ah Obaale, Damasha shabelow, Calaag iyo Mansuur oo ah dhamaantood deegaano jiinka wabiga Shabeelle ka saaran dhanka Bari oo isugu jira dhul beeraley iyo howd ah.

Taliyaha Ururka 281-aad guutada 28-aad ee  Abuu cubeyda ee Ciidanka Xoogga dalka Maxamed Duraan ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in kooxdii ku sugneyd deegaanadaas laga saaray, islamarkaana ay wabiga uga talaabeen dhanka Galbeed.

"Ciidamada Qaranka iyo kuwa dadka deegaanka waxaa u suurta gashay in kooxda howlgal uga saaraan dhul howd ah oo ay ku dhuumaleysan jireen, hada waxaa firxadkooda ku daba maqan ciidamada is kaashanaya dhamaan deegaanadii laga saarayna waxaa ku sugan ciidamada" ayuu yiri Taliye Maxamed Duraan.

Taliye Duraan ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka ay wali ku daba maqan yihiin firxadka kooxda Al-shabaab ayna sii wadi doonaan howlgalada noocaan oo kale ah oo ay kula dagaalamayaan kooxda Al-shabaab.

Ugu dambeyntii Deegaanadaan laga saaray kooxda Al-shabaab ayaa ahaa kuwa kooxdu ay kasoo abaabuli jireen weerarada gaadmada iyo qaraxyada ay ka geystaan qaar ka mid ah magaalooyinka gobolka Shabeellaha dhexe.