7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 29, 2024
Dowladda Fedaraalka oo ka digtay khataro kusoo fool leh xeebaha Soomaaliya
 

Arbaco, May, 29, 2024 (HOL) - Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Soomaalya Saadaam Maxamuud Cabdi oo goordhaw shirjaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday khataro kusoo fool leh xeebaha badweynta Hindiya.

Wasiir Saadaam ayaa sheegay in la gaaray waqtiga bad xiranka, islamarkaana maanta wixii ka dambeeya ay xiran tahay galista bada ilaa laga gaaro bisha sagaalaad ee sanadkaan.

"Waxaa la gaaray xiliga bad xiranka waxaa loo baahan yahay in laga digtoonaado galista badda, ganacsatada, kaluumeysata waxaan uga digeyna galista badda oo khataro ay ka imaan karaan ,sida mowjado culus oo dabeylo ah oo halistooda leh, ganacsatada waa in ganacsigooda aysan soo saaran gaadiid aanan xamili karin mowjadaha dabeylaha si aysan  qasaarin" ayuu yiri Wasiir Saadaam Maxamuud Cabdi.

Wuxuu sidoo kale uga digay wasiir ka xigeenka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waalidiinta Soomaaliyeed iney ka warqabaan Caruurtooda oo ka celiyaan badda.

"Waalidinta waxaan leyahay caruurta ka celiya badda aadisteeda maalmaha ay fasaxa ka yihiin dugsiga iyo iskuulka maalmahan dambe waxaa batay caruurta ay badu la tageyso, hadana waxaa la gaaray waqtigii bad xiranka, dhamaan magaaloyinka xeebaha ku yaala waa in caruurta laga dhowra iyo cid walba oo galeysa badda" ayuu yiri Saadaam Maxamuud.

Digniintaan kasoo yeertay wasaaradda Dekadaga iyo Gaadiidka Badda ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay Badda magaalada Marka ay la tagtay 7 caruur ah.