7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 29, 2024
Madaxweynaha Kenya oo diiday in dalkisa laga mamnuuco isticmaalka iyo cunista Qaadka
 

Arbaco, May, 29, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto ayaa ka laabtay go'aan lagu mamnuucayo Qaadka Miirowoga, ka dib markii la ogaaday inuu halis ku yahay caafimaadka dhimirka. sidoo kalena uu qeyb ka yahay kororka dhibaatooyinka bulshada, oo ay ku jiraan dembiyada.

Saddex guddoomiye gobol oo ka soo jeeda gobolka xeebta ayaa mamnuucay iibinta iyo isticmaalka Qaadka todobaadkii hore, taas oo caro ka dhalisay deegaannada uu ka soo go’o dalagyadiisa.

Madaxweyne Ruto ayaa Isniintii sheegay in dalagga Qaadka uu yahay mid sharci ah oo aan la hor istaagi karin iibkiisa.

Todobaadkii hore gudoomiyaha ismaamulka Mombasa Abdulswamad Shariff Nassir ayaa mamnuucay iibinta iyo cunista Qaadka isagoo u sababeeyay waxyeelada ay u geystaan dhalinyarada.

Guddoomiye Nassir ayaa sheegay in ka badan kala bar dadka ka soo kabanaya xarumaha dhaqan celinta ee Mombasa ay yihiin dad leh balwadda Qaadka.

Awaamiir tan la mid ah ayaa waxaa soo saaray gudoomiyaasha ismaamulada Kilifi iyo Taita Taveta, kuwaas oo wacad ku maray in ay wax ka qaban doonaan iibintiisa iyo ynaha isticmaalkiisa.

Arrintaan ayaa waxay mudaaharaad ka kicisay gobolka muguka, iyadoo beeralayda iyo ganacsatadu ay ka dhiidhiyeen khatarta ah in la xidho ganacsiyadooda

Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in Qaadku uu yahay dalag sharci ah sida uu qabo sharciga Kenya ee dalagga 2013 iyo xeerarka Miraa 2023.

Wuxuu sheegay in dowladdu ay u qoondeyn doonto $3.7m (£3m) sanad maaliyadeedkan si loo ballaariyo beerashada qaadka ee dalka.

In ka badan 10 qof oo ganacsato ah ayaa Jimcihii la soo dhaafay lagu xiray magaalo xeebeedka ugu weyn ee Mombasa, iyadoo mamnuucidda maandooriyahaasi uu dhaqan galay, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.