7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 29, 2024
Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya oo ka jawaabtay wafdi Somaliland u dirtay Taiwan
 

Arbaco, May, 29, 2024 (HOL) - Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay ka qeyb galka Somaliland ee caleemo saarka hoggaamiyaha Taiwan oo dhacday 20-kii bishaan May.

Afhayeenka safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, ayaa saxaafadda u sheegay, in Shiinuhu mowqifkiisu yahay in Somaliland ay qeyb ka tahay Soomaaliya.

“Shiinuhu uma arka Somaliland dal, wuxuuna raacsan yahay xaqiiqada aas aasiga ah ee in Somaliland ay katirsan tahay dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka safaaradda Shiinaha.

Afhayeenka safaaradda Shiinuhu wuxuu sheegay, dowladd badan, hoggaamiyayaal siyaasadeed iyo shakhsiyaad kale in ay aaminsan yihiin mabda’a Shiinaha ee ka dhanka ah gooni isku taagga Taiwan.

Hadalka Shiinaha ayaa yimid, ka dib markii dhawaan Somaliland ay wafdi u dirtay Taiwan, si ay uga qeyb galaan xafladda caleemo saarka hoggaamiyaha Taiwan ee dhawaan la doortay.