7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 25, 2024
Maxkamadda gobolka Banaadir oo dambi ku weyda Koofi iyo Saabey
 

Sabti, May, 25, 2024 (HOL) - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa wax dambi ah ku weyday agaasimihii hore ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Maxamed Aadan Jimcaale Koofi iyo agaasimihii waaxda canshuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda, Muxiyadiin Xasan Jurus (Saabey).

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa faray hay’adaha ay ka tirsanaayeen masuuliyiintan inay usoo celiyaan xaquuqdoodii sharci, wuxuuna sheegay in maxkamaddu ka bari yeeshay dhammaan eedeymihii musuq maasuq ee loo haystay labadaan masuul.

Eedeymaha loo haystay labadaan masuul oo maqanayaal ah ayaa soo jiitamaysay muddo 9 bilood ah, waxaana loo haystay dambiyo ay kamid yihiin, lunsasho hanti, dukumentiyo been abuur ah, lunsasho iyo xatooyo hanti dadweyne, ka faa’idaysiga xafiis dowladeed, dayacaad iyo gudasho la’aanta waajibaadka saarnaa.

Go’aanka maxkamadda ayaa kusoo beegmay, xilli Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ay wararku sheegayaan inuu u sharraxan yahay xilka madaxweynaha Galmudug, isagoo lagu wado inuu dhawaan dalka yimaado.