7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2024
Somaliland oo ka hadashay heshiiska Itoobiya iyo qorshaha uga yaala gobolka Sool
 

Jimco,  May, 24, 2024 (HOL) - Wakiilka Somaliland ee Kenya ayaa sheegay in gobolka Sool aanu Somaliland ka go'i dooni, waxa kale oo uu sheegay in heshiiska Itoobiya iyo Somaliland uu horumar dhaqaale u horseedi doono gobolka.

Wakiilka  Maxamed A. Maxamuud oo waraysi gaar ah siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in Somaliland ay ka shaqaynayso nabada gobolka Sool, isaga oo kasoo horjeedsaday aqoonsiga Madaxweynaha Soomaaliya ee maamulka SSC Khaatumo.

"Taasi waa fikirkiisa lakiin Somaliland dhul weeyaan, dhulkaana lama badali karo, aragti qof uu wato iyo qof Xamar joogaa midna waxba kama badali karo, Laascaanood iyo deegaankaasi Somaliland ayuu ka tirsanyahay wayna ka tirsanaan doonaa" ayuu yidhi Wakiil Maxamuud.

Wakiilka oo ka hadlay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa sheegay in heshiiskani uu u taaganyahay isdhaxgalka dhaqaalaha Afrika, laguna gaadhi doono badhaadhee dhaqaale oo ay horseedi doonaan Itoobiya iyo Somaliland oo ku taala goob muhiim u ah ganacsiga gobolka.

Wakiilka oo la waydiiyay hadii uu heshiiska Soomaaliya iyo Turkigu wax saamayn ah ku yeelan doono biyaha Somaliland, ayaa sheegay in Turkigu aanu Somaliland la galin wax heshiis ah sidaa darteedna aanu heshiiska Ankara iyo Muqdisho saamayn ku yeelan doonin.

"Ogolaansho Somaliland uunbuu Turkigu ku iman karaa Somaliland, hadii aanu ogolaansho Somaliland ka haysan bada iyo dhulka midna ma iman karo" ayuu yidhi Wakiil Maxamuud.

Dowlada Soomaaliya ayaa meel adag iska taagtay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya iyada oo ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanideeda.