Hiiraan Online
12/26/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2024
Ciidamada Midowga Yurub oo soo furtay markab ay afduubteen kooxaha burcad badeeda Soomaalida
Jimco, May, 24, 2024 (HOL) - Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda ee ku sugan Badweynta Hindiya iyo Badda Cas ayaa sheegay in markabka ganacsi ee Basilisk oo ka babanayay calanka Liberia laga sii daayay xeebaha Soomaaliya, islamarkaana 17-shaqaale oo la socday ay bad qabaan.
Markabkan ayaa waxaa Khamiistii weerar ku qaaday kooxo looga shakisan yahay inay yihiin burcad-badeed Soomaali ah, isagoo marayay meel 380-mayl-badeed bari ka xigta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay bayaan ku sheegeen ciidamada badda Midowga Yurub.
Midowga Yurub ayaa sheegay in ciidamadoodu ay u diray mid ka mid ah maraakiibtooda dagaalka ee Atalanta, si usoo badbaadiyo markabka iyo shaqaalihiisa oo gacanta u galay burcadbadeedda.
Mid kamid ah shaqaalaha markabka oo ku dhaawacmay weerarka ay qaadeen kooxaha burcadbadeedda ayaa lagu sheegay in xaaladeeda ay aad u wanaagsan tahay, oo haatan la daweynayo.