6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2024
Kenya oo digniin kasoo saartay khatarta argigixisnimo ee ka dhalan karta bixitaanka ciidamada ATMIS
 

Jimco, May, 24, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, ayaa walaac ka muujiyay bixitaanka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). Intii uu ku sugnaa dalka Mareykanka, Ruto waxa uu ku baaqay in Mareykanka uu taageero si looga hortago arrimaha ammaanka ee gobolka Geesjka Afrika.

Ruto waxa uu sheegay in ka bixitaanka ciidamada ATMIS ay kordhin karto weerarrada argagixisnimada Soomaaliya. Ruto iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labaduba ka walaacsan habacsanaanta amni ee soo socota.

Ruto ayaa soo hadal qaaday kulan uu dhawaan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya ka hor inta uusan booqashadiisa Mareykanka ku tagin, in ay ka wada hadleen khataro dhanka ammaanka ah oo ka dhalan kara dhimista ATMIS-ka ee la qorsheeyay, iyadoo aan lagu saleynin xaaladaha taagan.

Dowladda Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay ka codsatay in la dedejiyo soo afjarida howlgalka nabad ilaalinta, taasoo ka yaabisay beesha caalamka.