6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2024
Burcad Soomaalida oo afduubtay Markab xamuul ah oo ka diiwaangashan Liberia
 

Jimco, May, 24, 2024 (HOL) - Markab nooca xamuulka qaada ah oo lagu magacaabo Basilisk oo ka diiwaan gashan Liberia, ayaa la sheegay in ay qabteen burcad badeed Soomaali ah, sida ay sheegayaan wararka laga helayo saraakiisha ammaanka badda.

Hawlgalka ganacsiga badda ee UK (UKMTO) ayaa sheegay in koox aan la aqoonsan ay ka raaceen markabka ganacsi meel qiyaastii 420 nautical miles koonfur bari ka xigta degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose ee Soomaaliya.

Afduubka markabka ayaa waxaa geystay shaqsiyaad la socday labo doonyood oo yar yar kuwaasoo gudaha u galay markabka Basilisk.

Budhcad badeeda ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta qolka uu ku shaqaynayey markabka, waxana 17 ka mid ah shaqaalihii markabka ay ku xayiran yihiin gudaha qol kamid ah markabka iyada oo la xidhay dhamaan isgaarsiintii markabka.

Markabka Basilisk oo ah nooca xamuulka qaada ayaa ku sii jeeday dekedda Jebel Ali ee magaalada Dubai kaddib markii uu ka soo ambabaxay magaalada Rotterdam ee dalka Holland isagoo ku hakaday magaalada Porto Grande ee gobolka Cape Verde.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii burcad badeeda Soomaalida ay heleen lacag dhan 5 milyan oo dollar oo madaxfurasho ah si loo sii daayo markabkii MV Abdullah ee la afduubtay bishii March 2024-kii.