6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 20, 2024
Geerida madaxweynahii dalka Iiraan iyo masuuliyiin kale oo la xaqiijiyay

Isniin, May, 20, 2024 (HOL) - Warbaahinta dalka Iiraan ayaa ku dhawaaqday geerida madaxweynahii dalkaas Ibrahim Ra’isi, Wasiirkiisii arrimaha dibadda iyo saraakiil la socotay iney dhamaantood ku geeriyoodeen, shil diyaarad hellikobter ah oo ka dhacay dhulka buuralleyda ah ee u dhaxeysa gobolka Bariga Azerbaijan ee dalka Iiraan.

Shilka diyaarada Helikabtarka ayaa lala xariiriyay cimilada dhulka buuraleyda oo aheyd mid aad liidatay iyo ceyr yaamo ka jirtay buuraleyda, waxaana sidoo kale la tilmaamay in diyaarada shilka gashay ay aheyd mid lagu soo sameeyay Mareykanka oo nooceedu ahaa Bell 212 helicopter.

Madaxweyne Ibrahim Ra'isi oo ahaa 63 sano jir loo doortay xilka madaxweynenimo ee dalka Iiran sanadki 2021-kii, waxaana loo arkayay Ra'isi inuu yahay nin bedeli kara Ayatollah Khamenei oo ah hoggaamiyaha ugu sareeya dalkaas tan iyo 1989-kii.

Masuuliyiinta sidoo kale shilka kula geeriyootay madaxweynaha Iiraan ee magacyadooda la xaqiijiyay waxaa ka mid ah Xuseen Amir Cabdollahian Wasiirkii Arrimaha Dibadda, Malik Rahmati oo ahaa gudoomiyaha gobolka bariga Iiraan ku yaala ee Azerbaijan iyo Sardar Seyed Mehdi Mousavi Taliyahii Ciidanka Ilaalada Madaxweynaha, Seyyed Maxamed Al Hashem oo ahaa ninka dhanka sharciga u qaabilsan magaaladaTabriz ee dalka Iiraan.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.