12/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 2 , 2024
Somaliland oo sheegtay in ay la safan doonto Waddamada Bariga hadii ay taageero buuxda ka waydo Reer Galbeedka
 

Khamiis, April, 2, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in taageerada ay waddamada Reer Galbeedku siyaan Soomaaliya ay khatar ku tahay daganaanshaheeda.

Warbixin uu baahiyay Millateriga Somaliland ayaa lagu sheegay in deeqaha dhaqaale iyo tababarka ciidamada ee Waddamada Galbeedka iyo Carabtu ay siiyaan Soomaaliya ay khatar ku yihiin amaanka Somaliland, warbixintu waxay sheegtay in askar ay tababareen waddamada Maraykanka iyo Imaaraatku ay qayb ka ahaayeen dagaalkii Laascaanood, taasi oo sababtay in ay magaaladu gasho xaalad hubanti la'aan ah.

Waxay warbixintu tilmaamtay in magaalada Laascaanood ay gacanta ugu jirto xoogag argagixiso qayb ka tahay oo is diiday, kadib markii ciidamadadii loo tababaray Soomaaliya, iyo taageeradii dhaqaale ee la siiyayba loo isticmaalay in Somaliland lagu burburiyo.

"Aqoonyahano badan ayaa aaminsan in taageerada beesha caalamka ee Soomaaliya ay sababi karto dagaal balaadhan hadii Soomaaliya ay soo weerarto Somaliland, dagaalka Laascaanood waa calaamad walaaceeda leh, iyadoo askartii ay tababareen Eriteriya iyo Maraykanka iyo argagixiso ay la dagaalamayan Somaliland.

Ugu danbayn, Warbixintu waxay xustay in Somaliland ay xulufo la noqon doonto waddamada Shiinaha, Iran iyo Ruushka hadii xisbiyada mucaaradku doorashada ku guulaystaan, taasina lagaga hortagi karo kali ah in Reer Galbeedku ay hantaan qalbiyada shacabka Somaliland.