5/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 2 , 2024
Ciidamada Kenya oo lix kamid ah kooxda Alshabaab ku dilay magaalada Kumba ee gobolka Lamu
 

Khamiis, May, 2, 2024 (HOL) - Ugu yaraan lix qof oo ka tirsan kooxda Al Shabaab ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ciidamada ammaanka Kenya ay ku qaadeen deegaanka Kumba ee gobolka Lamu.

Booliisku waxay sheegeen inay sidoo kale la wareegeen sahay muhiim ah oo ay ka carareen Alshabaab.

Goobta uu weerarka gaadmada ah ka dhacay ayaa ahayd dhulka Keymaha ah ee Boni, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen Shabaabku xilli ay qorsheynayeen weeraro ay ka geystaan dhanka Kenya.

Ciidamadu waxay sheegeen in qaar ka mid ah Shabaabku ay u suurtagashay in ay baxsadaan.

Dadka la dilay ayaa waxaa ka mid ah nin ay mas’uuliyiintu  rumeysan yihiin inuu yahay ajnabi.

Howlgalkan ayaa kusoo beegmay, maalmo ka hor markii ay Kenya sheegtay inay Shabaab ka nadiifisay keymaha Booni, ayna hoos u dhaceen weerarradii ka dhici jiray Lamu.