7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 16, 2024
Somaliland iyo Ingiriiska oo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka
 

Khamiis,  May, 16, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabiley safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb Mike Nithavrianakis oo safar shaqo ku jooga Somaliland.

Sida madaxtooyadu baahisay kulanka ayaa lagaga wada hadlay qodobbo door ah oo ay ka mid ahaayiin dardargelinta mashaariicaha kala duwan ee ay iska kaashadaan Ingiriiska iyo Somaliland iyo hawlaha qabsoomidda doorashooyinka la filayo.

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa Somaliland ku amaanay horumarka dimuquraadiyadeed ee ay samaysay, iyo nabadgalyada, iyada oo uu madaxweyne Biixi-na u mahadceliyay safiirka.

Dowlada Ingiriiska ayaa kamid ah daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland, iyada oo gacan ka gaysata horumarinta dimuquraadiyada Somaliland.

Doorashooyinka isasaaran ee madaxtooyada iyo axsaabta siyaasada ayaa lagu wadaa in ay Somaliland ka qabsoomaan dabayaaqada sannadkan.