7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 14, 2024
Faahfaahino kasoo baxaya dil maanta Muqdisho loogu geystay Gabar Ardayad aheyd

Talaado, May, 14, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil maanta gudaha magaalada Muqdisho askar ka tirsan ciidamada dowladda ay ugu geysteen gabar Ardayad aheyd.

Dilka gabadha Ardayada aheyd ayaa la sheegay inuu ka dhacay agagaarka Warshada Caanaha, kadib markii gabadha oo saarneyd gaari BL aha ay haleeshay rasaas ay fureen askar ka tirsan ciidanka dowladda oo halkaas ku sugneyd.

Gabadha dhimatay ayaa lagu magacaabi jiray Muno Maxamed Xiirey, taaso dhiganeysay Jaamacada Muqdisho kuliyadeeda Caafimaadka.

Qoyska Marxuumada oo la hadlay Warbaahinta waxay sheegeen ineysan aasi doonin meydka gabadhooda, inta ay ka helayaan cadaaladda.

"Gabadheena waxaa dilay askar ka tirsan ciidanka dowladda waxaana lagu dilay meel Kaamiro ku xeran tahay, waxay aheyd Gabar hada iftiinka Mustaqbalka dareemeysay sanadkan ayay Jaamacada ka qalin jibin laheyd waxaan dooneyna inaan si deg deg ah ugu helno Cadaaladda" ayuu yiri Nabadoonka gabadha la dilay.

Askarta ku sugneyd goobta lagu dilay marxuumada ayaa si deg deg ah uga baxsatay halka dilka uu ka dhacay, waxaana dilka gabadhaan Ardayada aheyd uu ka mid noqonaya dilalka sida macnadarada ah u geystaan mararka qaar ciidanka dowladda.