7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 14, 2024
Ciidanka Booliiska oo gacanta kusoo dhigay Burcad dhac ka geysaneysay xaafado ka mid ah degmada Waabari
 

Talaado, May, 14, 2024 (HOL) - Ciidamada Booliiska gobolka Banaadir ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Waabari ee magaalada Muqdisho kusoo qabtay burcad dhac ka geysaneysay.

Howlgalka ayaa ciidamadu kusoo qabteen laba nin oo dhalinyaro oo la sheegay iney dhac u geysanayeen dadka degan xaafadahaas, waxaana ragaan burcada ah lagu xiray Saldhiga degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.

Booliiska ayaa sidoo kale soo bandhigay Sawirada labadaan nin, hubka ay ku dhacayeen dadka iyo mooto Bajaaj ay u adeegsanayeen fududeynta dhaca.

“Howl-gal ay Sameeyeen Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa Saaka Aroortii Waxay Gacanta Ku soo dhigeen Tuugo Dhac Ka wadey Degmada Waaberi Taariikhda Markay ahyed  14-05-2024 abaaro 03:45 Waxaa Saldhigga Boliiska Degmada Waaberi uu helay  Xog in ay Dhac Ka wadaan Degmada Waaberi  Tuugo Wadata Mooto bajaaj  (RE Guduudan M1B014/ A 3547, waxayna Gacanta Ku soo Dhigeen Labadii Ruux ee Tuugada ahaa  oo Wadatey  Mooto Bajaaj  Waxayna dadka ku Dhacayeen  Toorey “ ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska qeybta Booliiska gobolka Banaadir.

Warka kasoo baxay Booliiska ayaa sidoo kale lagu sheegay in ragaan haatan ay ku socoto baaris, islamarkaana si deg deg ah loo horkeeni doono Cadaaladda.

Ciidanka Booliiska ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka waday inta badan magaalada Muqdisho howgallo ay kula dagaalamaayan kooxaha dhaca ka gaysta degmooyinka gobolka Banaadir, Shalay ayayna aheyd markii sidaan oo kale gacanta lagu soo dhigay koox burcad ah oo dhac ka gaysanayay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.