7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 14, 2024
Puntland oo xorriyadoodii usoo celisay ajaanib horey uga tirsanaa kooxda Daacish
 

Talaado, May, 14, 2024 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa xorriyadoodii usoo celisey 6 eedaysane oo ajaanib ah oo horey uga tirsanaa kooxda Daacish.

Ajaanibtan ayaa u kala dhashay dalalka Itoobiya iyo Marooko, waxaana lagu wareejiyey wasaaradda caddaaladda Puntland si loogu diro dalalkoodii.

Sidoo kale maxkamaddu waxay xorriyadoodii siisay 6 dhallinyaro ah oo aan gaarin da’da qaan-gaarka ah, kuwaas oo iyagana katirsanaa kooxda Daacish.

Dhallinyaradaan ayaa lagu wareejiyey wasaaradda caddaaladda, si loogu sameeyo dhaqancelin oo looga tirtiro fikirka xagjirnimada.

Gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Puntland G\sare Cabdifatax Xaaji Aadan ayaa sheegay in ajaanibtaan ay isku soo dhiibeen Puntland, kadib markii ay kasoo baxsadeen kooxda Daacish.

Dhawaan, ayay ahayd markii Puntland ay xukun dil ah ku ridday ajaanib u dhashay dalka Morocco, kuwaas oo la sheegay inay katirsanaayeen kooxda Daacish.

Morocco ayaa walaac weyn ka muujisay xukunka muwaadiniinteeda, iyadoo ku baaqday in lagusoo wareejiyo.