7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 14, 2024
Shirka Wadatashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo Muqdisho ka furmaya
 

Talaado, May, 14, 2024 (HOL) - Shirka wadatashiga dawladda federaalka iyo kuwa dawlad goboleedyada, ayaa ka fumaya magaalada Muqdisho, iyadoo inta badan madaxda dowlad goboleedyada ay gaareen magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa baaqday bishii hore ee April, in kastoo madaxtooyadu ay sheegtay inuu u baaqday arrimo farsamo, haddana waxaa jiray doodo dhinacyada u dhaxeeyay oo aan xal laga gaarin shirka ka hor.

Dhinaca kale, Puntaland ayaa mar kale diidday inay ka qeyb gasho shirka wadatashiga sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Puntland, kaasoo sheegay in aysan jirin dowlad ay aqoonsan yihiin xilligan.

Shirkan waxaa la filayaa in looga hadlo arrimo  ay kamid yihiin dhameystirka dastuurka kmg ah iyo la dagalaanka kooxda Al-shabaab.

Dhinaca kale, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa doonaysa in dowladaha xubnaha ka ah federaalka ay taageeraan qorshaha cusub ee horumarinta qaranka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qorsheyneysaa inay la xiriirto Midowga Yurub si ay u abaabulaan shir mucaawino ah oo la mid ah shirkii Hiigsiga Cusub ee 2013-ka.