12/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2024
Puntland oo ka hortimid go'aanka DFS ay ku doonayso in la joojiyo shaqada xafiiska UNSOM
 

Jimco, May, 10, 2024 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in la baabi’iyo xafiiska UNSOM ku tilmaamtay, go’aan aan laga fiirsan oo Qar iska xoornimo ah.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo la hadlayay BBC Soomaali, ayaa u sheegay, xafiiska xafiiska Qaramada Midoobay ee kaalmaynta Soomaaliya ee UNSOM, in uu kaalin muuqata ku leeyahay amniga iyo siyaasadda Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta wuxuu sheegay, xilligan, in aanay jirin dowlad Soomaaliyeed oo awood leh oo dalka oo dhan maamusha, sidaas darteed wuxuu sheegay xafiiska UNSOM inuu door wanaaagsan ku leeyahay u qareemidda  iyo difaaca qaddiyadda dowladnimada Soomaaliya.

“Xasan isagaa maalin kaste looga yeeraa Xallane. Horta xaggee joogtaa dowlad oran kartaa xafiiska jimciyadda qurumaha ka dhaxeysaan ka maarannaa? Dowlad ma jirtaa baa meesha taalla,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Wuxuu sheegay in xafiiska UNSOM uu fududeeyo wada hadalada iyo xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee mar walba dhexmara dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Wuxuu sheegay haddii doorkooda la waayo in tiirarka dowladnimada Soomaaliya ay meesha ka baxayaan.