5/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 1 , 2024
Hoggaamiye Firdhiye: Nabad hoosaasin ah ka qaadan mayno odayaasha ka hadlay magaalada Burco
 

Arbaco, May, 1, 2024 (HOL) - Hoggaamiyaha SSC Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali  Firdhiye, ayaa sheegay in aysan odayaaasha dhaqanka Somaliland ka qaadan doonin nabadayn hoosaasin ah oo lagu qarinayo sida uu sheegay, duullaanka Soomaliland ay kusoo tahay deegaanada SSC.

Firdhiye ayaa u sheegay odayaal Somaliland ah, kuwaas oo baaq nabadeed soo saaray, in looga baahan yahay, in ay wax ka qabtaan sida uu sheegay, duullaanka iyo colaadda ka dhanka ah SSC, ee uu abaabulayo Muuse Biixi

“Burco baaqa aad ka jeedinaysaan, ee aad leedihiin nabad baanu wadnaa, ee aadan caddayn karaynin, nabad ma aha, hoosaasin dambana idin ka yeeli mayno,” Ayuu yiri hoggaamiyaha SSC Khaatumo.

Hoggaamiyaha SSC ayaa sheegay dad aan waxba galabsan oo kasoo jeeda SSC, in si gardarro ah ay u dileen maleyshiyaad ka amar qaata maamulka Somaliland. Wuxuu sheegay inuu haatan ka dhamaaday dulqaadkii iyo deris wanaagii ay u hayeen Somaliland, isagoo sheegay in ay muuqato in beegsi lagu hayo dadkiisa aan waxba galabsan.

Firdhiye ayaa ugu  baaqay ciidamada SSC inay galaan heegan ka dhan ah duulllaan uu sheegay in lagasoo abaabulo Somaliland. Wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in mar kale Somaliland ay jab kala kulmi doonto isku day kaste oo ay ku doonayso inay ku qabsato dhulkooda.

Hadalka hoggaamiye Firdhiye ayaa yimid, iyadoo ku dhawaad hal sano laga joogo, markii Somaliland dagaal looga saaray magaalada Laascaanood, halkaas oo muddo ka badan 15 sano ay Somaliland ka talinaysay.

Somaliland oo hadda isku diyaarinaysa xuska 18-ka May oo ku beegan 33 guurada kasoo wareegatay gooni isku taaggeeda, ayaa dhinaca kale ciidamo iyo gaadiid dagaaal ku daabulaysa furimaha dagaalka ee Oog. Xogo aanu helyo ayaa sheegaya in xuska guurada kadib, ay Somaliland doonayso inay weerar ku qaado gobolka Sool.