4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2024
Ciidanka amniga Puntland oo Garowe ku qabtay qalab loo waday kooxda Alshabaab


Axad, Maarso, 3, 2024 (HOL) - Ciidanka Booliiska Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen qalab loo waday kooxda Alshabaab iyo dadkii waday.

Qalabkaan ayaa lagu qabtay kantaroolka waqooyi ee magaalada Garowe sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday ciidanka booliiska, balse lama caddayn goorta la qabtay .

Tirada eedeysanayaasha lagu qabtay qalabkaan ayaa la sheegay inay yihiin, 5 qof, 4 rag iyo hal haween ah, kuwaas oo ay hay’adaha amnigu sheegeen inay la socdeen xogtooda.

Dadka la qabtay waxaa lagu kala magacaabaa.

1. Faisa Cali Maxamed

2. Cabdi Axmed Cusmaan.

3. Haaddi Cumar Cilmi

4. Cabdi Maxamuud Cali

5. Saalax Cabdulqaadit Mahad

Qalabka lagu qabtay ayaa kala ah;

1. Gacamo kuwa loo isticmaalo GPS MAP.

2. Qalab Caafimaad oo dhamaystiran ( A leukocyte alkaline phosphatase (LAP) - Laboratory

3. Biisooyin Kaashwito

4. Kabaha Balistig ah.

5. qalabka soolarka loo isticmalo.

6. Hal Mobile kuwa qarxa lagu kiciyo.

Laanta dambi-baarista Gobolka Nugaal ayaa xaqiijisay in dadka la qabtay iyo qalabka ay wadeen ay ku socdeen Buuraha Gobolka Bari, kuwaas oo ay sheegeen in laga keenay Koonfurta dalka Soomaaliya.

Booliska Qeybta Gobolka Nugaal ayaa sheegay in eedaysanayaasha iyo qalabka lagu qabtay la horgayn doonaa Laamaha Garsoorka.