4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2024
In ka badan 30 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Jubbada Hoose
 

Axad, Maarso, 3, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal saacado badan qaatay oo ay si wadajir ah uga sameeyeen ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay deegaano ku yaala jiinka wabiga ee degmada Jamaame ayaa lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in howlgalka ay ku qabteen 10 ka mid ah Maleeshiyaadka Al-shabaab iyaga oo nool.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iyo ciidamada Daraawiishta maamul goboleedyada dalka ayaa kordhiyey maalmahii lasoo dhaafay howlgalada lagu beegsanayo goobaha ay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab.

Dhinaca kale kooxda Al-shabaab ayaa qoraal ay soo saartay guulo kaga sheegatay dhankeeda dagaal saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.