4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2024
Madaxweynaha Turkiga oo sheegay inuu ka qeyb qaadanayo dhex dhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya
 

Axad, Maarso, 3, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Antalya kula kulmay dhigiiisa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

kulanka oo ka dhacay Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya, ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya, dadaallada ka dhanka ah argagixisada, iyo sidoo kale walaacyada gobolka iyo caalamka.

Intii uu socday kulanka, Madaxweyne Erdogan waxa uu xaqiijiyey taageerada joogtada ah ee Turkiga uu siiyo Soomaaliya, isagoo si gaar ah diiradda u saaray xoojinta iskaashiga difaaca.

Madaxweyne Erdogan ayaa muujiyay inuu Turkigu diyaar u yahay in uu ka qayb qaato dadaallada dhexdhexaadinta ee lagu doonayo in lagu dhimo xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Isaga oo ka hadlayay falalka gardarrada ah ee Israa’iil ay ka waddo dhulka Falastiin, Madaxweyne Erdogan waxa uu hoosta ka xarriiqay in lagama maarmaan ay tahay in la dhiso dawlad madax-bannaan oo Falastiiniyiin ah oo ku teedsan xudduudaha 1967 taas oo aasaas u ah nabad waarta.

Kulanka ayaa kusoo beegmay maalmo ka dib markii Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen heshiis dhanka difaaca ah, iyadoo Soomaaliya ay doonayso in Turkiga uu difaaca amniga xeebaha Soomaaliya.