5/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 29, 2024
Farmaajo iyo Shariif oo ku eedeeyay madaxweyne Xasan Seikh inuu dhegaha ka furaystay baaqyadoodii
 

Jimco, Maarso, 29, 2024 (HOL) - Madaxweynayaashii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu dhegaha ka furaystay baaqyadii ay u jeediyeen ee ku aaddanaa hannaanka loo marayo dib u eegista dastuurka dalka.

Labada madaxweyne ee hore ayaa sheegay haddii baarlamaanku uu meel mariyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, in ay ka dhigan tahay, in ay qaadeen jid halis ku ah sharciyadda iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay inay ka fiirsadaan.

Farmaajo iyo Shariif waxay sheegeen tallaabooyinka uu qaadayo madaxweynuhu in ay si cad u muujinayaan inuu doonayo inuu la wareego awoodaha labada aqal ee baarlamaanka, si aan loola xisaabtamin xukuumadda.