4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2024
Baarlamaanka labadiisa aqal oo maanta loo qeybiyay nuqulka wax ka beddelka dastuurka
 

Khamiis, Maarso, 28, 2024 (HOL) - Baarlamaanka dowlaldda Federaalka Soomaaliya labadiisa gole ayaa maanta loo qaybiyay nuqulka u dambeeya ee soo jeedinta wax ka beddelka afarta cutub ee ugu horreeya Dastuurka kumeel gaarka ah.

Qodobbada ugu muhiimsan ee wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, ayaa sheegaya, in dalku yeelanayo Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare uu soo magacaabayo madaxweynaha, xilkana uu ka qaadi karo.

Qodobada kale ee lagusoo kordhiyay dastuurka ayaa kala ah, in muddada xil haynta hay’adda dastuuriga ee dowladda ay noqonayaan shan sano, madaxda dowlad goboleedyada waxaa loogu yeerayaa hoggaamiyayaal, dalkuna uu yeelanayo saddex xisbi.

Guddiga loo xilsaaray wax ka beddelka dastuurka ayaa sheegay, in 7,470 oo muwaadiniin ah ay aragti ka dhiibteen wax ka beddelka cusub, iyadoo guud ahaan tirada aragtay ee muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu sheegay 213,838.  

Maalinta Sabtida ee soo socota ayaa la sheegay in labada gole ee Baarlamaanka ay cod u qaadi doonaan ansixinta wax ka beddelka Dastuurka.

Wax ka beddelka dastuurka waxaa si adag ugasoo horjeeda maamulka Puntland, madaxdii hore ee Soomaaliya iyo siyaasiyiin xilal kasoo qabtay dowladda, kuwaas oo ka digay in madaxweyne Xasan Sheikh uu dastuurka wax ka beddelo.