4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2024
Dekada magaalada Muqdisho oo lagu qabtay Kunteenar siday Maandooriye farabadan

Isniin, Maarso, 25, 2024 (HOL) - Galinkii dambe ee Shalay ayaa Dekada weyn ee magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay maandooriye aad u badan oo ah nooca Soomaalidu u taqaano Taabuuga.

Maandooriyaha Taabuuga ayaa waxaa si aad ah u isticmaala dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana gacanta ku dhigay maandooriyahaan hay’adda taya dhowrka Soomaaliyeed.

Hay'adda ayaa gudaha dekadda ku qabatay Kunteenar ay ku jiraan 249 Kartoon oo Taabuu ah, islamarkaana la doonayay in lagu dhex iibiyo gudaha magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo ka mid ah dalka.

"Hay’adda ayaa adkeysay in aan Dekadda iyo Garoonka Caasimadda laga soo daji karin gebi ahaan waxyaabaha maanka dooriya.l, kuwaas oo dhibaato balaaran ku haya dhalinyarada Soomaaliyeed iyo bulshada Qeybaheeda kale. Hay’adda tayadhowrka Soomaaliyeed ayaa ku wareejisay Ciidanka Boliiska, si waajibaadkooda uga gutaan" ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Hay’adda tayadhowrka Soomaaliyeed.

Kunteenarkaan ay ka buuxaan maandooriyaha Taabuuga ayaa la sheegay in dekadda weyn ee magaalada Muqdisho iney kasoo dajiyeen ganacsato Soomaaliyeed, waxaana gacanta lagu dhigay xilli la doonayay in dekadda laga bixiyo oo loo iib geeyo suuqyada kuyaalla magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

Maandooriyahaan Taabuuga oo ka mid ah daroogada noocyadeeda halista ku ah caafimaadka ayaa si weyn waxaa u isticmaala dhallinyarada Soomaaliyeed ee isugu jira wiilal iyo gabdho, waxaana markii hore si toos ah looga soo dejin jiray taabuuga iyo maan dooriyaal kale dekada Muqdisho.